Minnesota Child Care Resource and Referral Network (Mareegta Adeegga iyo Gudbinta Sii-haynta Ilmaha ee Minnesota) waxay adeeg-bixiyeyaasha sii-hayaha ilmaha u taageertaa saddex siyaabood:
Minnesota CCR&R waxay hay'adaha CCR&R ee heer degmo ka gargaartaa inay buuxiyaan shaqaalaha loo baahan yahay iyada oo la adeegsanayo shaqaaleyn iyo hawlo haysasho shaqaale iyo horumarinta iskaashi beeleed. Meel kasta oo ilmaha lagu sii hayo, ha ahaato sii-haynta guri dhexdii, xarun sii-hayn ilmo, barnaamij waxbarasho hormaris ah(Head start), barnaamij ah da'da aan dugsiga gaadhin ama da'da dugsiga, guriga qof qoyska ka tirsan ama guriga saaxiib, tayada sii-hayntu waxa ku xidhan qadarka warka iyo adeegyada la heli karo.
Si loo sugo helitaanka goobo sii-hayn caruurnimada hore ah oo tayo sare leh oo ay helaan dhamaan ilmuhu, waxay Minnesota CCR&R Network u heelan tahay ama u guntatay in la taageero dhamaan dadka sii haya ilmaha. Mid kasta oo ka mid kah 19 hay'adood ee heer degmo ee ah CCR&R waxay leeyihiin shaqaale siiya war iyo adeegyo dadka sii haya ilmaha.
Waxay bixiyaan:
Si aad u heshid war dheeraad ah, guji barta Adeegyada iyo Deeqaha Adeeg-bixiyeyaasha (Ingiriis) ama la xidhiidh Linda Magel, lindam@mnchildcare.org
Hadafka Barnaamijka Horumarinta Xirfadeed (Professional Development Program) ee Minnesota Child Care Resource & Referral Network waxa weeye in hay'adaha Child Care Resource & Referral ee heer degmo laga gargaaro hagaajinta tayada sii-haynta ilmaha ee dhamaan 87 degmo ee gobolka. Iyaga oo adeeg-bixiyeyaasha sii haya ilmaha siinaya fursado tababar iyo horumarin xirfadeed oo wakhti haboon, la heli karo, oo tayo leh ayay haya'daha CCR&R ay door weyn ka qaataan sidii looga dhabeyn lahaa daryeel sii-hayn oo ay ilmuhu helaan. Doorka Mareegta MNCCR&R waxa weeye in lala shaqeeyo CCR&R si loo bixiyo gargaar farsamo, war, jiheyn, talooyin dhaqan, iyo waliba in la horumariyo oo la isku daba-rido talaabooyin gobolka oo dhan ah, iyo in la noqdo xidhiidhiye isku xidha habka CCR&R iyo tababarka caruurnimada hore ee gobolka oo dhan ah iyo barnaamijyada horumarinta xirfadeed. Waxa kale oo ay Mareegta MN CCR&R Network bixisaa hogaamin qaab loogu yeelayo oo lagu taageero hab horumarin xirfadeed oo mideysan oo gobolka oo dhan ah.
Minnesota Child Care Resource and Referral Network iyo Minnesota Department of Human Services (wasaaradda Adeegyada Bini'aadanka ee Minnesota) waxay ku faraxsan yihiin inay soo bandhigaan MNStreams.org (Minnesota State Registry for Education and Meaningful Supports, Ingiriis) (Diiwaanka Waxbarashada iyo Taageerada Macnaha Leh ee Gobolka Minnesota). MNStreams waxa loo qorsheeyay inay kuu fududeyso tababarada, fursadaha waxbarasho, deeqaha, iyo dhiirigalinta dhaqaale. Iyada oo ah diiwaan tababar oo leh qaybo badan oo dheeraad ah, waxa goobtu soo bandhigaysaa liisas tababare oo la baadhi karo, REETAIN iyo codsiyada deeq CCR&R, iyo faahfaahinta shirarka- waa kulan beeleed dhab ah! Goobtu waxay u adeegi doontaa adeeg-bixiyeyaasha qoys ah ee sii hayaha ilmaha, shaqaalaha xarun sii-hayn ilmo, Waxbarashada Hormariska ah (Head Start), shaqaalaha barnaamijka da'da dugsiga/wakhti dugsiga laga maqan yahay, bareyaasha waalidka, waalidka, iyo dhamaan dadka kale ee xiiseynaya caafimaadka iyo horumarinta ilmaha.